Askar dil kageystay Garowe Oo laqabtay

Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Askar ka tirsan Ciidanka Puntland,kuwaasoo wiil arday ah xalay Ku dilay Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Dilka ayaa  yimid ka dib markii Ciidamada ay taleefonnadii ka furteen wiilka la dilay iyo gabar la socotay, ka dib Muran soo gala dhex galay Muddo gaaban.

Wiilka ardayga ah ayaa dhiganayay jaamacadda Boosaaso University faraceeda magaalada Garoowe,gaar ahaanna kulliyadda Caafimaadka,sida laga soo xigtay eheladiisa.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Garowe ayaa warbaahinta u sheegay in la qabtay Askar lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen falkaasi,islamarkaana dhawaan sharciga la horkeeni doono.