Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullahi Cirro, oo ay weheliyaan saraakiil ka socota Midowga Yurub, ayaa maanta tababar ugu soo xiray askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Tababarka waxaa lagu soo gabagabeeyay dugsiga Jeneraal Dhegabadan ee magaalada Muqdisho.
Tababarkani, oo diiradda lagu saarayay diyaarinta askar leh xirfado sare, ayaa lagu baray ka qaybgalka iyo fulinta howlgallada gaarka ah. Waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidanka si ay uga hortagaan khataraha amniga iyo inay si hufan u fuliyaan hawlgallada lagu sugayo xasilloonida dalka.
Saraakiisha Midowga Yurub ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay tababarkan, iyagoo bixiyay taageero dhinaca tababarka ah iyo farsamada. Sidoo kale, saraakiisha waxay sheegeen in iskaashiga noocan ah uu muhiim yahay, maadaama uu sare u qaadayo awoodda iyo isku xirnaanta ciidamada si ay u noqdaan kuwo ka jawaabi kara baahiyaha dalka.
Jeneraal Cabdullahi Cirro ayaa ku boorriyay askarta inay ka faa’iidaystaan xirfadaha ay barteen una adeegaan qaranka si daacadnimo iyo geesinnimo leh. Waxa uu sidoo kale ku ammaanay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.