Askar Loo Haysto Qiyaano Qaran Oo Maxkamad Lasoo Taagay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa lasoo taagay 27 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo lagu riday xukuno adag.

Askartaan ayaa ka soo baxsatay furimaha dagaalka, waxaana lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, iyagoo baxsad u ah deegaano u badan koonfurta dalka oo ay ka soo jeedaan.

Markii laga reebo hal askari oo qori BKM ah oo uu lunsaday loogu diray xukunka xabsiga, dhammaantood waxay maxkamaddu ku xukuntay shan sano ee xabsi ciidan ah.

Shuruucda ciidanka ayaa la waafajiyey kiiska baxsadka ah ee askartaan, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qeybteeda Galmudug.

Askarta la xukumay ayaa ka wada tirsan guutooyinka 18-aad iyo 17-aad ee Gorgor, waxaana ciidankii daafaha Muqdisho ka soo bilaabay dagaalka sanad iyo bar ka hor oo hadda maraya magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidan aad u badan isugu geysay furimaha dagaalka ee gobolka Mudug, kuwaas oo waqti dheer uu ku qaatay dagaalku, taasina waxay keentay in askartu ka baxsato furimaha.