Askar loo xukumay in ay dilal ka gaysteen Galmudug oo Saakay la Toogtay,

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida qaybta Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa maanta oo Jimco ah xukun toogasho ah ku fulisay labo askari oo katirsanaa ciidamada Xoogga oo loo xukumay in ay dilal ka gayasteen deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas.

Dable Xoogga Cabdikaafi Cali Cabdulle ayaa horay loogu xukumay in uu dilay Cadnaan Cali Salaad halka Iidle Cumar Idiris oo katirsanaa Guutada 18aad ee kumaandooska DANAB oo isna dilay Bilan Xaashi Salaad.

Maxmakadda ayaa sheegtay in toogashada labada askari ay tahay qisaasta marxuumiinta ay horay u dileen waxaana ay digniin u dirtay askarta kale ee ciidamada Qalabka sida ee howlgallada kala duwan ku jira.

Askar ku eedaysan in ay dilal u gaysteen ciidamo kale oo ay wada howlgalayeen iyo Dad rayid ah ayaa kiisaskooda loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida si xukun loogu rido maadaama ay gaysteen falal ka baxsan anshaxa.