Askar Maraykan Oo Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Dalka Afganistan.

Hadal ka soo baxay Ciiddamadda Isbahaysiga NATO ee ku sugan dalkaasi ayaa lagu sheegay in la dilay Askari Maraykan ah, halka 2 kalena kalena lagu dhaawacay Toogasho ka dhacday Koonfurta dalka Afganistan.

Toogashadda ayaa la sheEgay inuu geystay Askari ka tirsan kuwa Dowladda dalkaasi oo ay Ciiddanka Maraykanka wada hawl-galaan, mana kala cadda waxa sababay Toogashadaasi oo ah tii ugu horreysay ee sannadkan oo Askar Maraykan ah lagu dilo gudaha Afganistan.

Isbahaysiga NATO wxa faahfaahin ah kama bixinin halka ay ka dhacday Toogashadaasi, balse, Sarkaal Bolis ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP inay Toogashadu ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Caasimad-gobaleedka URUZGAAN ee TARINKOT.

Dhinaca kale, ku-dhawaad 14,000 oo Askar Maraykan ah ayaa ku sugan dalkaasi, kuwaasi oo tababar siiya Ciiddanka Dowladda Afganistan iyo taageero dhinaca Loojistikadda oo ay siiyaan  Isbahaysiga NATO o oay Dowladda Mraaykanka xubin muhiim ka ah.