Askar Sisharcidaro Ah Ku Qaadanayay Laba Mushaar Oo La Xiray

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa Xabsiga dhigay Askar ka tirsan Ciidamada Booliska,kuwaas oo sisharcdaro ah u qaadanayay laba mushaar,isla markaana watay darajooyin kala duwan.

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliya Janeraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Ciidamadaas ay ahaayeen kuwo mushaar ka qaadanayay Ciidamada Booliska iyo kuwa Millateriga,iyaga oo labada dhinac ka diiwaangashanaa.

Waxa uu sheegay inay ogaadeen baaris lagu haayay mudo dheer,isla markaana Maxkamad lahor-geyn doono si talaabo looga qaado.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay inay bilaabi doonaan baaris ku saabsan in laga hortago dhacdooyinkaan oo kale.