Askari ka tirsan ciidamada DF oo lagu dilay Muqdisho.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda loogu gaystay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Haanta Dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa gaystay askar kale oo ka tirsan isla ciidamada dowladda, sida uu sheegay qof goojooge ah oo ka dhacday dhacdadaasi.

“Waxaan aragnay nin askari ah iyo niman kale oo 4 askari ah oo murmaayo, kadib is afgara-waa ka bacdi madaxa ayay xabad uga dhufteen, mooto ayayba raaceen” ayuu yiri.

“Ninka askariga ahaa wax qaado ayaa la waayay annagana shacab ayaa iska ahayn, waana ku dhiiran weynay inaan qaadno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kal wuxuu intaasi ku daray in maydka marxuumka uu goobta yaalay, isla markaana kuwii dilay ay mooto ka qaateen goobta, ayaga oo sidaas ku baxsaday.