Rag hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku dileen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Askari katirsanaa Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland,iyaga oo baxsaday.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysan iyo Askariga ay israsaaseyn ku dhex-martay Koontoroolka laga raaci Gaadiidka aada Magaalada Khardho,isla markaana askariga oo lagu Magacaabi jiray Cumar Maxamed Yuusuf israsaaseynta uu ku dhintay.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in raggii askariga weerrarka kusoo qaaday ee dilay ay horay u sii qaateen Qorigii uu watay,isaga oo aan helin wax gurmad ah.
Saacado kadib ayaa halka dilka uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland,iyaga oo halkaasi ka dameeyey howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey dilka Askariga walow aysan dad u qaban.
Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaoo geystay askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Puntland,hayeeshee dilalka noocaas oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegta Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.