Askari Katirsan Ciidamada Dowlada Oo Dilay Darawal Watay Gaari BL

Mid ka mid ah askarta dowladda ee ku sugan deegaanka Siinka-Dheer ee duleedka Magalada Muqdisho ayaa Maanta waxa uu dilay Darawal ka mid ah Gaadiidka ka Shaqeeya Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Magalada muqdisho kaas oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Qani Axmed Xaaji.

Ehelada Darawalka la dilay ayaa waxa ay sheegeen in uu waday Gaari Hoomey ah oo ka yimid degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose,islamarkaana uu kusoo jeeday Magalada Muqdisho,hayeeshee askari ku sugnaa Koontortoolka Siinka-dheer uu dilay.

Sababta ayaa mid ka midah Ehelada waxa uu ku sheegay in askariga uu Darawalka weeydiisay lacag dhan 1 Dollar,balse darawalka uu u sheegay in uusan heyn lacagtaas,sidaasina uu askariag xabad ugu dhuftay.

Meydka Darawalkii la dilay  ee waday Gaariga Homeyda ah ayaa loo soo qaaday Magalada Muqdisho,waxaana wararka aan heleyno ay sheegayaan in askariga dilka geystay uu Goobta ka baxsaday.

Dilalka ay askarta dowladda u geystaan dadka Shacabka ah ayaa kusoo badana Magalada Muqdisho sigaar ah Darawalada,waxana tiro dhowr jeer la dilay qaar ka mid ah darawaliinta Mooto Bajaajta.