Askari katirsan Ciidamada Nisa Oo lagu dilay Beledxaawo

Wararka naga soo gaaraya degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in lagu dilay halkaas sarkaal ka tirsanaa Nabadsugida Soomaaliya.

Rag hubeysan ayaa toogasho ku dilay Sarkaalkaas oo Magaciisa lagu sheegay C/qani Axmed Faarax oo kana mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Nabad Suggida ee ka hawlgala Degmada Baled Xaawo.

Kooxihii ka dambeeyay dilka Sarkaalka ayaa dad ku sugan Balad-Xaawo waxa ay sheegeen inay horay u sii qaateen qoray AK47 oo uu watay Sarkaalka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida Soomaaliya ayaa tegay Goobta uu dilka ka dhacay ee Balad-Xaawo,iyaga oo halkaasi ka soo qaaday meydka Sarkaalka.

Dilka Sarkaalkaan ka tirsanaa Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya loogu geystay degmada Balad-Xaawo ayaa kusoo aadaya xilli Al-Shabaab maalmihii la soo dhaafay ay culeys xoogan saarayeen degmadaas.