Askari Katirsan ciidanka somaliland oo dilay Abahiis.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta askari ka tirsan ciidamada Somaliland uu aabihiis ku dilay gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi.

Dilka ayaa yimid kadib markii uu muran soo kala dhex-galay askariga iyo aabihiisa, kadibna uu sidaas toogasho ugu dilay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in aabaha ay rasaasta kaga dhacday qaybaha sare ee jirkiisa, isla markaana uu goobta ku geeriyooday.

Mas’uuliyiinta gobolka oo ka hadlay dhacdadan argagaxa leh ayaa sheegay in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi dilka ahl

Sidoo kale waxa ay tilmameen in eedeysanaha uu haatan ku jiro gacanta Somaliland, isla markaana dhowaan la horgeyn doono maxkamadda ciidamada si looga qaado tallabo adag.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha dalka ka dhacayay dhacdooyin argagax leh oo kasoo cusboonaaday magaalooyinka ee waa weyn ee Soomaaliya, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan.