Askari lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, rag hubeysan ayaa maqribinimadii caawa waxa ay Waaxda Jamhuuriyada ee degmada Kaaraan gaar ahaan aagga Masjidka Turkiga ku dileen askari ka tirsanaa Guutada 2-aad ee ciidanka xoogga dalka, kaasi oo lagu magacaabi jiray Salaad Maxamuud Cumar.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan ay askarigan ugu yimaadeen goob uu fadhiyay oo ku taalla Waaxda Jamhuuriya, intaasi kadibna ay rasaas la dhaceen, iyaga oo ugu dambeyn goobta ka baxsaday.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegeen goobta lagu dilay askriga inuu kaga ciladoobay gaari yar oo watay, xilligaasina uu la socday askari kale, balse askarigii la socday ayaa Marxuumka la dilay u sheegay inay halkaas isaga tagaan xaalad amni daro darteed balse uu ka diiday oo uu yiri inuusan ka tageyn gaarigiisa, sidaasina lagu dilay.

Maamulka degmada Kaaraan ayaa waxa ay tageen goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka Marxuumka, waxaana bilowday hawlgal ammaanka lagu xaqiijinayo oo lagu raadinayo raggii dilka geystay.

Dilalka inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ee loo geysto ciidamada waxaa geysta ururada hubeysan ee Shabaab iyo Daacish, inta badan waxaa caado noqotay inay baxsadaan kooxaha dilalka geysta.