Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta u fariisatay dacwad ka dhan ah askari ka tirsan ciidamada dowladda, kaas oo loo haysto inuu dil bareer ah u gaystay taliyihiisii, kadib amar diido uu sameeyay.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Dable Maxamed Diiriye Cabdulle Dhiblaawe ayaa dilay marxuum Caamir Xasan Cali oo u ahaa taliye koox, xilli ay ku sugnaayeen furinta dagaalka.
Dilka ayaa yimid, kadib markii eedeysanaha uu diiday amar shaqo loogu dirayayay, kadibna uu sidaas ku dilay taliyihiisii.
Intaas kaidb ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada oo fadhiga ka hadlay ayaa dalbaday in eedeysanaha lagu xukumo dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Caamir Xasan Cali.
Ugu dambeyn waxaa fadhiga soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Darakada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo sheegay inay dib ka shaacin doonaanxukunka eedeysane Maxamed Diiriye Cabdulle Dhiblaawe.
Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxa ay u digtay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku howlan qalqalgelinta Amniga sida in ay ridaan rasaas ama ay dhexdooda isku geysaan dhibaatooyin kala duwan.