Askari Mooto Weday oo lagu dilay Muqdisho

Dilka Askarigaan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamada Dowladda Soomalaiya ay ku leeyihiin Agagaarka Isgoyska Cali Kamiin ee Magalada Muqdisho,waxana ka dambeeyay askari kale oo ka tirsan askarta dowladda.

Qof goobjooge ahaa xilliga dilka uu dhacayay Ayaa warbaahinta u sheegay in dilka uu yimid kadib markii askariga la dilay uu isku dayay in Bajaaj uu marsiiyo wadada oo Ciidamada u xirneyd,hayeeshee taasi ay muran ka dhalatay.

“Waxaa xirneed wadada Wiilka bajaajta wato ayaa arkay askari uu yaqaan kadibna waxaa uu ka codsaday in uu ka gudbiyo askarta waxeeyna isku raaceen oo ay isku afgarteen in Askariga bajaajt uu wado,Wiilka bajaaj la ahaan gadaal ayuu raacay waxaa uu iska dhigay qof bajaajta saaran. Kadibna waxaa ay gaareen askartii waana diideen in ay bajaajtu gudubto muran dheer kadib askartii bajaajta ayay rasaas u fureen.

Sidoo kale goobjoogaha waxaa uu sheegay in rasaastii bajaajta lagu furay uu ku dhintay askarigii mootada waday ee doonayay in uu gudbiyo, iyada oo sidoo kale Ninkii mootada horay u watay uu soo gaaray dhaawac culus,isla markaana loo qaaday mid ka mid ah Isbitaallada Magalada Muqdisho.

Dhacdooyinka la xiriira dilaka ay geystaan askarta dowladda Soomaaliya ayaa inta badan waxaa ay ka dhacaan Magalada muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka,waxaana xusid mudan in askar qaarkood loo xukumay dil ay u geysteen dad rayid ah.