Askari Muqdisho Ku dilay Qof Shacab ah

Mid ka mid ah ilaaladda Gudoomiyaha degmada Shangaani ayaa qof shacab ah ku dilay meel u dhow isgoyska Imporotio Ceelgaabta ee Muqdisho.

Ninka la dilay oo ahaa nin oday oo ah oo lagu Magacaabo Cumar ayaa lahaa Miis Alaab lagu iibiyo, waxaana Askariga uu ka dalbaday in uu siiyo Sigaar ka dib muran ka dhashay dalabka Askariga ayuu toogtay kadibna goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ninkaasi odayga ah oo si weyn looga yaqaanay Xamar Jajab loo dilay sababo ku saabsan si gaarka laga dalbaday.

Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay Askarigii dilka geystay, waxaana sidoo kale banaanbax dhigay qaar ka mid ah dadka degaanka.