Askari Wiil dhalinyaro ah ku dilay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada ayaa maanta degmada Xamarweyne  si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.

Wiilka oo xabada ay kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa ayaa garaab ahaan goobta looga qaaday, iyada oo la dhigay Isbitaalka mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho, balse markii dambe ayuu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay wiilka la dilay iyo askariga kahor inta uusan falka dhicin inuu dhexmaray muran, intaasi kadibna ay xigtay in askariga uu toogto wiilka.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Askarigii dilka geystay, waxaana ay dhigeen xabsiga.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo hubka ay wataan loogu tala galay in ay ku ilaaliyaan shacabka ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo Qoryaha ay wataan ku dhibaateeya shacabka, iyada oo ay muhiim tahay in arrintan wax laga qabto.

Dhawaan ayay aheyd Markii Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada uu afaafka hore ee xarunta degmada Waaberi si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta.