Askartii lagu dilay Shabeelada dhexe oo Baladweyne lagu aasay..

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Daahir Shire Maxamed, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, masuuliyiin kale, iyo duubabka dhaqanka ayaa maanta ka qeyb galay salaadda janaasada ee magaalada Beledweyne, taas oo loo sameeyay Alle ha u naxariistee askartii dhowaan lagu dilay degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Munaasabadda ayaa ahayd mid murugo leh oo lagu xusay geesiyaasha u shahiiday difaaca dalka iyo nabadda. Waxaa halkaas laga jeediyay ducooyin iyo tacsi loo diray eheladii iyo asxaabtii ay ka tageen askartaasi. Waxaa sidoo kale loo muujiyay taageero iyo garab istaag dhammaan ciidamada amniga ee dalka ka shaqeeya.

Geerida askartaas ayaa ahayd dhacdo naxdin leh oo xanuun badan, waxaana lagu tilmaamay inay ahayd mid muujinaysa halganka iyo nafhurnimada ciidamada Soomaaliyeed.