ATMIS oo ciidamo badan la dhimaayo Sanadkaan.

Qorshaha dhimista ciidamada Midowga Afrika ee heerarka 1aad iyo 2aad ayaa soo gabagaboobay waxaana qorshaha uu yahay in bisha Juun 2024 laga yareeyo 9,500 oo Askari sida uu yahay Qorshaha lagu heshiiyay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo khudbad ka jeediyay meertada 37aad ee Golaha Midowga Afrika ayaa sheegay in haatan ciidamada Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee ATMIS ay gaarayaan 22,000 oo askari balse laga yarayn doonno in ka yar 10,000.

Tallaabadaan ayuu sheegay in ay sii xoojiyay kaddib markii ciidamada Soomaaliya ay horumar ka sameeyeen dhinacyada sugidda Amniga Dalka, Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ iyo in ay qaadeen tallaabooyin la mahdinayo waa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa howlgalkooda Soomaaliya soo billaabay horraantii sanadkii 2007dii waxaana dalkii ugu horreeyay ee ciidankaas soo diray uu ahaa Uganda inkasta oo markii dambe ay kusoo biireen Dalal kale oo ay kamid yihiin kuwa deriska ah.