Taliska howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ayaa saldhigga Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ku wareejiyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah qorshaha ku aadan bixitaanka ciidamadan oo hadda ku socdo si tartiib ah.
Munaasabad ka dhacday Maxaas ayaa waxaa si rasmi ah saldhigga kula wareegay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo qaaday mas’uuliyadda amniga xeradaas.
Warsaxaafadeed kasoo baxay ATMIS waxaa sidoo kale lagu sheegay in wareejinta saldhiggan uu qayb ka yahay wajiga saddexaad ee dhimista ciidamadooda, sidoo kalena saldhiigan uu noqday kii lixaad ee lagu wareejiyo ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.
Dhankiisa wakiilka ciidanka Xoogga dalka Xiddigle Xuseen Maxamed ayaa mar kale ku celiyey sida ciidanka Soomaaliya ay uga go’an tahay la wareegista mas’uuliyadda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.
Sidoo kale mas’uul ka socday xafiiska UNSOS ee qaabilsan qorshaynta kalaguurka Patrick Duah ayaa madasha ka sheegay muhiimadda doorka UNSOS ee taageeridda qorshaha kalaguurka Soomaaliya ee geeddi socodka nabad dhisidda Soomaaliya.
ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka.