AUN Gabadhii dhawaan ninkeedu ku gubay muqdisho oo geeriyootay.

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay Luul Cabdicasiis oo uu dhawaan seygeeda qabad siiyay baasiin.

Luul ayaa ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana maalmihii lasoo dhaafay xaaladeeda caafimaad lagula tacaalayay Isbitaalka Digfeer, ayada oo ugu dambeyn maanta u geeriyootay dhaawicii darnaa ee kasoo gaaray falkaasi.

Marxuumadda ayaa waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay. Ayada oo sidoo kale aheyd hooyo kaligeed ku ahayd korinta lix carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Waxaa socota baarista kiiskaan, waxaana gacanta ku haya laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho.

Ninka dabka qabad siiyay marxuumadda ayaa waxay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, sida uu sheegay Walaalka la dhashay Luul. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.