Axmad Madoobe oo booqday degaanadii lagu dagaalamay ee G/Jubbada Hoose

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday deegaanada gosha oo ay howlgalka ka wadaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xooga Dalka, halkaasi oo maalmo kahor ay ka dhaceen dagaalo culus.

Madaxweynahu waxaa uu tagay dhamaan deegaanadii ugu danbeeyay ee Al-shabaab laga saaray isagoo Ciidamada ku booriyay in ay u dhabar adaygaan halganka ay wadanka ku xoraynayaan.

Deeganada uu Madaxweynaha Jubbaland booqday kadib waxaa uu kulan la qaatay Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa isagoo amaanay sida ay howsha u wadaan islamarkana loo baahan yahay in ay laba laabaan dadaalka ay Al-shabaab kaga xoraynayaan deeganada Gobolka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in wax walba oo taakulo ah loo dhamaystiray Ciidamada islamarkana hada ay si hagar la’aan ah u gudanayaan howshii loo igmaday, waxaana uu ugu baaqay dadka ku nool deegaanada laga xoraynayo Al-Shabaab in ay Ciidamada soo dhaweeyaan oo ay garab istaagan.