Axmad Madoobe Oo Cabdikariim Qalbidhagax Kubooqday Xabsiga uu kagaxiran yahay Magaalada Addis Ababa

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xabsiga uu ku xiranyahay ee magaalada Addis Ababa ku booqdey Cabdikariim muuse Qalbidhagax.

Madaxweyne Axmed ayaa Dowlada Itoobiya kala hadley sidii uu dib xoriyadiisa ugu heli lahaa Qalbi dhagax.

Qalbidhagax oo katirsanaa ururka ONLF ayay Dowladda federaalka Soomaaliya 10 bilood kahor u gacan galisey dowlada Itoobiya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku jooggay dalka Itoobiya, waxaana uu kulamo kala duwan la qaadanaayay Mas’uuliyiinta dalkaasi.