Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay Arimaha Amniga ee Jubbaland isagoo sheegay in xaalada Jubbaland mar walba la saadalinayay in xalkeeda iyo nabadgalyadeedu dheeranayso iyadoo loo sababaynayo kala duwanaanshaha qabaa’ilka deegaanka balse dadaaladii iyo dib u heshiisintii la sameeyay ay wax badan ka tartay wadajirka iyo isku duubnida Bulshada taas oo ilaa hada loo baahan yahay joogtaynteeda si aan dib loogu noqon.
Waxaa Madaxweynahu uu ka digay in xaalado Amniga lid ku ah iyo qulqulatooyin laga soo abaabulayo magaalada Muqdisho taas oo cida ku lugta leh ay masuuliyadeeda iyo waxa ka yimaada qaadayso.
Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in Arrimo Ammaanka lidi ku ah laga soo abaabulayo Magaalada Muqdisho oo la doonaayo in dadka Shacabka ah dhibaato loo geysto.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa u muuqday in uu xoogeystay Khilaafka kala dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya.