Axmad Madoobe Oo Fariin udiray Madaxda Dowlada

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka qaybgalay Munaasabada lagu xusayay Sanad guurada 60-aad ee kasoo wareegtay markii ay Xornimada qaateen Gobolada Koonfureed iyo midowgii Waqooyiga iyo Koonfurta ayaa sheegay in khilaafka mudada dheer ka taagan Arimaha masiiriga ah ee dalka ay yihiin kuwo mar walba dib u dhigaya xasiloonida iyo Hormarka dalka,sdioo kalena Al-Shabaab ay fursad qaali ah u tahay kala qaybsanaanta Siyaasadeed iyo Bulsho ee Wali dalka ka jirta.

Wuxuu intaas ku daray in khilaafka dastuuriga ah ay tahay in lagu xaliyo wixii uu Dastuurku qeexayo iyadoo mar walba ay muhiim tahay Siyaasada loo dhan yahay oo dhamaan dhinacyadu ay isku raacsan yihiin waxaa uu isagoo taas ka hadlaya uu xusay in xeerarka iyo Dharciyada aan dastuurka waafaqsanayn ee uu dhawaanahan meel marinayay Baarlamaanka Federaalka ah aanay ka turjumaynin Sharciga iyo nidaamka ay ahayd in loo maro iyadoo xeerarka qaar ay si weyn u abuurayaan khilaafka Cusub iyo kala qaybsanaan Bulsho.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Caasimada dalku ay xaq u leedahay maqaam iyo maaamuus gaar ah iyadoo dastuurku uu qeexayo sida loo samanayo iyo wadada la marayo dhamaana la isku raacsanyahah in taas laga dhabeeyo balse matalaad kaliyah oo aan maqaam wadanin ay abuurayso in shacabku ay ku kala qaybsamaan ujeedada laga leeyahayna ay tahay in Bulshada la iska horkeeno sida uu hadalka u dhigay.

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta dalka ayuu sheegay in ay ka go’antahay sidii Gobolka Banaadir uu u heli lahaa xaqa uu leeyahay iyadoo aan dano gaar ah iyo mansab lagu raadsanayo aanay jirin.

Isaga oo ka hadlayay Arimaha mudo kororsiga ayuu Madaxweynahu sheegay in horay loogu dhiiran waayay isla markana Tariikhda dalka burburkii kadib uu caan ku yahay in afartii sanaba mar Doorasho la aado qofkii soo baxana la garab istaago waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in wixii ay qaban waayeen gudiga Doorashooyinka Sadexdii sano ee lasoo dhaafay ay hada u raadinayaan wakhti dheeraad ah taas oo aan mara suuragal noqon Karin in mudo kororsi loogu qiil dayo.

Khilaafka Siyaasadeed ayuu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in xal laga gaaro isla markana gogol walba oo arintan lagu xalinayo ay diyaar u yihiin Shacabka iyo Xukuumada Jubbaland.

Shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay ula halgami lahayeen Xaaladaha ka jira gudaha Jubbaland isla markana dadaadala dib u heshiisinta ah ee Wali socda ay u xayiran tahay dhismaha Xukuumada Cusub.