Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta u amababaxay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa Axmed Madoobe iyo wafdiga la socday waxaa kusii sagootiyay Qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale oo ka tirsan Jubbaland.
Ujeedka Safarka Kenya ee Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa la sheegay inuu la xiriiro xalinta khilaafka ka taagan maamulka Gobolka Gedo, isagoo halkaas kula kulami doona Madax ka tirsan dowladda Kenya.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa la sheegay in diyaarad qaas ah ay ka qaaday Kismaayo, taasi oo mar kale jebisay amarkii ay soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahaa in duulimaadyada aadaya Kismaayo iyo kawa yimaada Nairobi inay soo maraan Magaalada Muqdisho.
Si kastaba waa Safarkii ugu horeeyay ee Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu ugu ambabaxay Magaalada Nairobi tan iyo markii dib loogu doortay xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.