Axmad Madoobe Oo lakulmay Odayaasha Dhaqanka Degmada Afmadow

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kulankan waxaa diirada lagu saaray sidii Madaxweynahu uu u dhagaysan lahaa baahiyaha deegaanka ka jira iyo qaabkii wax looga qaban lahaa iyo hirgalinta mashaariic loogu tala galay deegaanka waxaa kale oo kulanka la iskula soo qaaday sidii dib u habayn loogu samayn lahaa Maamulka Degmada.

Dhinaca kale Odayaasha dhaqanku waxay balan qaadeen in ay garab taagan yihiin aragtida Dowlada Jubbaland ee dib u xoraynta wadanka gaar ahaan Gobolka Jubbada Dhexe iyo isku furista deegaanada xorta ah ee Gobolka Jubbada hoose.