Axmad Madoobe Oo sheegay in hubka Ciidamada Dowlada Uu kacanta ugalay Alshabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku dhaliilay iney ka gaabisay la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab awood dheeri ah inay ku sii yeelanayaan hubka & Saanada Ciidanka dowladda ay ka helaan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay in Al-Shabaab lagu qaado dagaal mideysan oo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ah.

Waxa uu xusay in Al-Shabaab ay si dhaqso ah ku helaan hubka iyo Saanada dowladda loogu deeqo sidaasi darteedna aysan macquul ahayn in Al-Shabaab laga guuleysto.

Waxa uu ugu baaqay Saraakiisha Amisom iney ka shaqeeyaan sidii loogu guuleysan lahaa dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in Al-Shabaab uu la dagaalamo kana saaro guud ahaan degaanada ay Jubbaland kaga sugan yihiin.