Axmad madoobe Oo uhanbalyeeyay Madaxweynaha cusub ee DDSI

  1. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafe Muxumed Cumar.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland oo khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Cusub ee DDSI Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa ugu hambalyeeyay magacaabista Xisbiga degaanka ka arrimiya ay u magacaabeen Madaxweynaha degaanka, isagoo u rajeeyay in uu Alle xilka iyo masuuliyada cusub ee miisaanka leh uu la garab galo.

Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad degaanka Soomaalida ayaa shalay Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Ninkaan ayaa ka mid ahaa xubnihii Mucaaradka, waxaana Guddiga Fulinta ay u doorteen hoggaanka Dowlad deegaanka inta laga soo dooranaayo Madaxweyne.

Mustafe Cagjar ayaa lasoo shaqeeyay Hay’addaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan Hay’adda OCHA.