Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xalay magaalada Boosaaso kulan kula qaatay bulshada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Kulankan oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Taliyaha qaybta gobolka, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.
Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay muhiimadda cashuurta ayaa xusay in ay qayb muhiima ka tahay cashuur bixintu dhismaha dowladnimada, Isla markaana uu xurmo gaar ah leeyahay cashuur-bixiyuhu, waxa uu ku booriyey shacabka reer Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso inay bixiyaan cashuurta si dalka loo horumariyo Logan shaqeeyo amnigiisa.
Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa masuuliyiinta iyo shacabka gobolka Bari ku booriyey inay ka wada-shaqeeyaan xasiloonida, nabadgelyada iyo horumarka gobolkooda, si cadawga ku Dhexjira gacan bir ah loogu qabto, taasna ay sahli karto ku xidhnaanta lambarada laamaha amniga ay isticmalaan hadba sida loo dhaqangeliyo.