Axmed Madoobe & Francisco Madeira Oo Ka Wada Hadlay Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Madaxtooyada kulan kula qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira iyo Madaxa Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya Lisa Filipetto.

Madaxweynaha ayaa wakiilka Midowga Afrika ka dhagaystay qorshaha AMISOM ee Howlgalka ay dhawaan qaadi doonto Dowlada Jubbaland iyo doorka ay ka qaadan doonan.

Labada masuul ayaa si qota-dheer uga wada hadlay sidii Ciidamada  AMISOM uga qeyb qaadan lahaayeen howlgal dhawaan ka bilaabaan doono deegaanada Jubbaland.