Axmed Madoobe Iyo Dowlada dhexe Oo dhex dhexaadin laga dhexbilaabay

Qaar ka mid ah waxgaradka degaanada maamulka Jubbaland ayaa bilaabay dadaallo lagu dhex dhexaadinaayo dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen waxgarad ku sugan Kismaayo.

Odayaasha oo is xilqaamay ayaa la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana ay kala hadleen sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Kulan ayay la qaatay sidoo kale Musharaxiinta kasoo horjeedda Axmed Madoobe ee isku doortay Magaalada Kismaayo, waxaana ay sheegeen in ay rajo fiican ka qabaan in lasoo Afjaro Khilaafka ka dhashay doorashada.

Odayaasha dhaqanka ayaa lagu waddaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay ula kulmaan Madaxweyna iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Odayaasha dhaqanka, Culimada iyo Ururada Haweenka ayaa horay ugu guuleystay in aysan Magaalada ku dagaallamin Madaxweynayaasha is doortay iyo Madaxweynaha Baarlamaanka Jubbaland ay doorteen ee Axmed Madoobe.