Axmed Madoobe Oo baaq udiray Shacabka Jubbalnd

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta salaada Jimcaha boqolaal dadweyne ah kula tukaday Masaajidka suuq weyne ee Magaalada Kismaayo.

Masaajidkan ayaa la dhisay Sanadkii 1942 iyadoo dib u dhis iskaa wax u qabso ah ay ku dhiseen dadweynaha reer Kismaayo 2017kii.

Madaxweynaha ayaa salaada kadib dadweynaha kula dardaarmay in ay is cafiyaan oo Midnimada Bulshada iyo wadajirkeeda ay tahay shay qaali ah oo loo baahan yahay in la xoojiyo.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu bogaadiyay Culimada Magalada sida ay dadweynaha ugu dhiiri galinayaan kor u qaadista Barashada diinta Islaamka iyo in ay gacmaha is qabsadaan Bulshadu.