Axmed madoobe oo Beesha Caalamka ugud biyay in loo mdaxbaneeyo doorashada maamulka jubbalnd

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, James Swan, ayaa sheegay in loo baahan yahay in deegaannada Jubbaland ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah taasoo ku dhacda wakhtigii loogu talagalay.

James Swan iyo madaxweyaha Jubbaland Axmed Madoobe shalay kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay isku raaceen inaan la soo faragalin doonin arrimaha doorashada Jubbaland, balse taas baddalkeedana loo baahan yahay inay qabsoonto doorasho xor oo xalaal ah, oo wakhtigeeda ku dhacda.

Kulankaan Kismaayo ku dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland iyo Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, James Swan ee looga hadlay doorashada ayaa imaanaya xilli Jubbaland ay dowladda Soomaaliya ku eeddeysay faragelin inay ku heyso Arrimaha Doorashada iyo cabasho ay qabaan qaar ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland.