Axmed Madoobe oo Dowladda Federaalka ku Eedeeyey Abaabulka Dagaalka Raas-Kambooni

Axmed Madoobe, Hogaamiyaha Jubbaland, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Raas-Kambooni, isagoo si kulul ugu eedeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya inay qayb ka ahayd abaabulka dagaalkaasi. Axmed Madoobe ayaa warsaxaafadeed dheer ka soo saaray dhacdadaas, isaga oo ku tilmaamay inay tahay arrin laga baaqsan kari lahaa haddii la adeegsado wada-hadal iyo is-afgarad.

Warsaxaafadeedka ayaa waxa uu u qornaa sidaan: “WAR-SAXAAFADEED
Dowladda Jubaland waxay si aad ah uga xuntahay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Raas-Kambooni ee gobolka Jubbada Hoose halkaas oo si nasiib darro ah ay isku dileen wiilal Soomaaliyeed. Waa dhacdo laga baaqsan karay iyadoo ay ahayd in lagu xalliyo wada-hadal iyo iskutanaasul.
Sida marar badan aan caddeyneynay, dagaalkan waxaa soo abaabulay Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa, kuwaas oo u arkayay inay ku gaari karaan dano siyaasadeed oo guracan, iyagoo adeegsanaya Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) si ka baxsan waajibaadka sharciga ee ciidamada leeyihiin.
Falalkan sharciga-darrada ah awgood, Xasan Sheekh iyo kooxdiisu waxay ciidamo u soo daabuleen deegaanka Raas-Kambooni, halkaas oo daba lagu shiday dhalinyaro Soomaaliyeed si loo gaaro ahdaaf siyaasadeed oo baalmarsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
Waa muhiim in la xuso in deegaanka Raas-Kambooni uu ahaa deegaan nabdoon oo aysan ka jirin wax amni-darro ah 13-kii sano ee la soo dhaafay. Sidoo kale, ma ahan qayb ka ah deegaanada ay joogeen Ciidamada ATMIS ee dalka ka baxaya.
Nasiib darro halkii dowladdu u adeegsan lahayd CXD deegaanada weli ku jira gacanta Khawaarijta, ayay loo isticmaalay dagaallo micno darro ah oo xooroobay tan iyo sanadkii 2011-kii.
Waxaa tusaale muuqda ah in deegaanada ku hareeraysan Muqdisho ay weli ka taliyaan Khawaarijta, iyadoo Xasan Sheekh uu CXD diyaarad ku keenay Raas-Kambooni si uu u fuliyo dano siyaasadeed oo aan waafaqsaneyn maslaxadda guud ee dalka.
Dowladda Jubaland waxay aamminsantahay in qorshayaasha CXD lagu dhex gelinayo arrimaha siyaasadda ay yihiin kuwo dhabarka ka jabinaya dib-u-dhiska dowladnimada gaar ahaan hay’adaha amniga iyo CXD oo ah laf-dhabarta qaranimada dalkeenna.
Maanta qaar ka mid ah dhaawacyadii CXD ee ku waxyeeloobay dagaalka Raas-Kambooni ayaan u dirnay magaalada Muqdisho si ay u helaan adeegyo caafimaad oo dheeraad ah. Sidoo kale, dhammaan ciidamada ku jira gacanta Jubaland waa wiilal Soomaaliyeed oo u dhallinyaro ah kuwaas oo loo daryeelayo si sharaf leh, dhaawacyadana waxaa la siinayaa daryeel caafimaad oo dhammeystiran, waxaana markii ay bogsadaan lagu celin doonaa guryahooda iyagoo nabad qaba.
Ugu dambeyn, Dowladda Jubaland waxay caddeyneysaa mowqifkeeda ah in xalalka khilaafaadka siyaasadeed uusan ku jirin xabad. Jubaland mar walba diyaar ayay u tahay wada-hadal iyo in wixii kala aragti duwanaansho ah lagu xalliyo miiska wada-tashiga iyo iskutanaasulka.”
— DHAMMAAD —