Axmed madoobe Oo Edeyn ujeediyay Madaxda Dowlada

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Shirka natiijo la’aanta kusoo dhamaaday ee Magaalada Dhuusamareeb iyo shirarkii horay u dhacay iyo sidoo kale mowqifkiisa ku aadan arrimaha taagan.

Axmed Madoobe oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb ee looga hadlayay arrimaha doorashooyinka, arrimaha gobolka Gedo iyo khilaafka xoogeysatay ee u dhaxeeya Jubbaland & Dowladda federaalka.

Waxaa uu sheegay in markii uu shirka Dhuusamareeb u furmay uu Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland inay shaaciyaan qodobada laga hadlayo maadaama kulanka ay iyaga soo codsadeen, sidaas daraadeed ay dhankooda  ka codsadeen in la xaliyo qodobo dhowr ah oo caqabad ku ah shirka doorashooyin ka dalka.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Shirka dhuusamareeb uga hadleen doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ee Soomaliland kalana hadleen Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ay taleefoon ka waceen si looga heshiiyo arrintaasi oo uu sheegay in Guddi loo saaray, in kastoo uusan shaacin in horumar laga gaaray.

Arrimaha Goblka Gedo ayuu sheegay in loo xil saaray Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle, sidoo kalena Jubbaland loo ogolaado in duqa degmada Garbaahaareey ay soo Magacaabto guddiga doorashooyinkana u dirto Gedo, hayeeshee aysan macquul aheyn in guddi loo diray garbahaareey oo maamulkeeda uusan Magacaabin Jubbaland.

Ugu dambeyn waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweyne farmaajo uu isku koobo sheegashada hal Gobol oo ay Reerkiisa degan yihiin, isaga oo sheegay in aan lagu aamini karin dalka oo dhan, waxana uu si cad u sheegay in dowladda ay maalin walba hub & Ciidan ay kusii daabuleyso Gobolka Gedo.