Axmed Madoobe Oo Gudi U Saaray Dadkii Ku waxyeelobay Qarixii Kismaanyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam( Madoobe)  ayaa Maanta oo Axad ah shir guddoomiyay kulanka golaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo lagu qabtay Magalada Kismaayo.

Xaalada guud ee amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ugu horayn kulanka lagaga hadlay iyadoo la sheegay in xaalada amnigu hadda ay wanaagsan tahay, in kastoo dhawaan weeraro iyo qaarxyo ay ka dhaceen.

Golahu wuxuu u mahadceliyay dhamaan dadkii usoo tacsiyeeyay Dowlad Goboleedka Jubbaland ee xanuunka la qabsaday waxaa kale oo laga hadlay qaabkii loo maarayn lahaa khasaaraha ka dhashay weerarka haday noqoto burbur hantiyeed iyo dadka dhaawacmay intaba.

Madaxweynaha ayaa magacaabay gudiga taakulaynta dadka wax ku noqday weerarkaas, kuwaas oo ka shaqayn doona sidoo loo caawin lahaa dadka dhibaatadu ay gaartay iyo sidii gacan loogu fidin lahaa milkiilaha hotelka madiina oo ah shaqsi naafo ah oo dhaqaalahiisa u huray dalkiisa.

Qorshaha amniga doorashada ayaa la isku raacay in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay si adag u sugayso amaanka doorashooyinka iyadoo dhamaan Ciidamada amaanka la galiyay heegan buuxa.

Golaha amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo jeediyay in wacyi galin la siiyo Bulshada la xiriirta sidii ay ciidamada amaanka ugu gacan siin lahayeen sugida amaanka deegaanada Jubbaland gaar ahaan Magalada Kismaayo.