Axmed Madoobe Oo Gudoomiyay Kulan looga hadlayay Amaanka

Magalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta ka qabsoomay kulan looga hadlayay dhinaca Amniga maadaama dhawaan doorasho ay ka dhaceyso Magalada Kismaayo.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) waxaana diirada lagu saaray sidii dhamaan Hay”adaha Amnigu iskaga kaashan lahayeen sugida nabadgalyada.

Madaxweynaah jubbaland ayaa madaxda iyo saraakiiska kulanka ka qeyb gashay waxaa uu ku booriyay in la wada dardar geliyo sugida Amniga deegaanada kala duwan ee Jubbaland.

Sigaar ah Xarumaha ay ka dhaceyso doorashada Dowlad goboleedka jubbaland la filayo inay dhacdo Bisha agoosto ee soo socota sanadkan 2019.