Axmed Madoobe oo ka hadlay Qaraxa ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Qaraxa ay Al-Shabaab maanta oo sabti ah ka gaysatay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynahu Waxaa uu ku eedeeyay Al-Shabaab in aysan lahayn hadaf gaar ah lakiin ujeedkooda ugu weyn uu yahay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay xasuuqaan oo aanay jirin cid ay dhaafayaan.

Shacabka ayuu ku booriyay in ay Hay’adaha amaanka la shaqeeyaan maadama ay ku jiraan halgan adag oo Nolosha qofka Muwaadinka Soomaaliyeed ah ay ku difaacayaan.

Dhamaan Ehelada iyo qaraabada dadka halkaas ku dhintay ayuu u Tacsiyeeyay Madaxweynahu wuxuuna Caafimaad taam ah u rajeeyay dadkii goobtaas ku dhaawacmay.