Axmed Madoobe Oo kahadlay Xaalufinta Dhirta G/jubboyinka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalufinta dhirta, iyada oo inta badan deegaanada Gobolada Jubbooyinka laga jaro dhirta si dhuxul looga shido.

Waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badan ee ka jirta deegaanada Jubbaland ay qeyb ka tahay xaalufinta dhirta,isla markaana  dadka dhirta jaraya loo baahan yahay in loola dagaalamao sida Al-Shabaab oo kale.

“Waxa ugu badan ee dhibaatada ugu wacan jubbaland waa xaalufinta dhirta,waxaan rabnaa in aan la wada dagaalano kuligeen kuwa xaalufinaya dhirta oo aan u aragno kuwa Geedka ama dhirta goynaya in uu qof Soomaaliyeed goynayo tallaabooyin cad cadna aan ka qaadno ayuu yiri.

Marka laga soo tago hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa xusid mudan in inta badan Maamulka Jubbaland iyo Ciidamada Kenya lagu eedeeyo inay qeyb ka yihiin xaalufinta dhirta,isla markaana dhuxusha laga sameeyo laga dhoofiyo Dekadda Kismaayo si ay lacag badan uga heleen.