Axmed Madoobe Oo Katacsiyeeyay Nabadoon lagu dilay Kismaanyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Tacsi u diray dhamaan Shacabka reer Jubbaland gaar ahaan ehelada qaraabada iyo Saladiinta Jubbaland geerida ku timid Alle ha u Naxariistee Suldaan Rashiid Durre oo kamid ahaa Salaadiinta Jubbaland kaas oo xalay lagu dilay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Suldaan Rashiid Durre uu laf dhabar u ahaa Midnimada iyo nabad kuwada noolan shaha Shacabka reer Jubbaland wax badana uu wakhtigiisa u huray nabadaynta iyo walaalnimada Bulshada.

Hay”adaha amaanka ayuu Madaxweyne Axmed Madoobe faray in jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan dhacdadan isla markaana ay gacanta kusoo dhigaan kuwii falkan ka danbeeyay.

Marka laga soo tago hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Jubbaland ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka xalay Kismayo loogu geystay Suldaan Rashiid Durre.