Axmed Madoobe oo Kulamo Kawada Nairobi

Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka jubbaland Axmed Mohamed islaam oo weli ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa halkaasi uu ka wadaa kulamo kala duwan.

Axmed Madoobe ayaa la kulmey Xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya,,iyaga oo ka wada hadley sidii Jubbaland looga taageeri lahaa ka hortaga Cudurka Coronavirus, Dhaqalaha, Amniga, Siyaasada iyo Doorashada fooda inagu soo heysa ee 2020/2021.

Axmed Madoobe oo  bilihii la soo dhaafay ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa dhawaan kulan la qaatey Xubno kasoo horjeeda maamulkiisa oo ay kamid ahaayeen Cabdi Rashiid Xidig iyo Cabdi Naasir Seeraar,waxaana warar soo baxayay ay sheegayayeen inay heshiis horudhac ahaa  gaareen.