Axmed Madoobe oo Kulan laqaatay Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay casho sharaf waxaa uu u sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Kulanka oo ka dhacay mid ka mid ah Hoteelada Magalada Kismaayo ayaa Axmed Madoobe waxaa uu Xildhibaannada ka codsaday in ay codkooda siiyaan si markii Saddexaad uu u noqdo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa guddoonka labaad ee Baarlamaanka Jubbaland,waxaana sidoo kale ay diirada ku saareen kulankooda sidii ay nabad ugu dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo dhcii doonta 22 Bishaan oo ku beegan maalinta berrito ah.

Maamulka Jubbaland ayaa xalay ku dhawaaqay in gebi ahaanba ay Cirka, Dhulka iyo Badda,isla markaana aysan jirin cid soo geli karta Magaalada ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.