Axmed Madoobe Oo lakulmay Sarakiisha Ciidamada Jubbland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo jimco ah kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Maamulkaasi Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha faray in ay adkeeyaan Nabadgalyada sidoo kalana ay soo gudbiyaan baaritaanada iyo in sharciga la horkeeno danbiilayaashii Falalkii amniga lidka ku ahaa ee u danbeeyay ka gaystay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Sarakiisha iyo Ciidamada kala duwan uga mahad celiyay sida ay naftooda ugu hurayaan nabadaynta iyo xasiloonida dalka.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Jubbaland wuxuu kula dardaarmay in ay shacabka si dhow ula falgalaan mar walbana ka shaqeeyaan badbaadada Shacabka maadama ay dartood qoraxda iyo qabowga u taagan yihiin.