Axmed Madoobe Oo Shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Jubbalnd

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xubnaha Golaha Wasiirada Jubbaland, Lix Maalin kadib dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay xayiraadii ka qaaday Golaha Wasiirada Soomaaliya taas oo la saaray xilligii ay socdeen doorashooyinka Jubbaland.

Marka laga soo tago tallaabada ay Maanta qaadeen Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa hadana dowladda Soomaaliya waxa ay horay u sheegtay inaysan aqoonsaneyn doorashooyinkii ka dhacay Magalada Kismaayo sida xulista Baarlamaanka Jubbaland iyo doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe.

Maamulka Puntland ayaa xilligii lagu jiray doorashooyinka waxaa uu xayiraad dhinaca socdaalka ah saaray Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha taas oo dhaqan-gashay.