Madaxweynaha Jubaland ayaa markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda federaalka, xildhibaanno, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa muujinaysay muhiimadda booqashadiisa, iyada oo ay ka muuqdeen muuqaallo ka tarjumaya is-xushmad iyo wada-shaqeyn siyaasadeed oo u dhaxeysa madaxda heer federaal iyo dowlad-goboleed.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka shir heer qaran ah, kaas oo lagu gorfeeynayo xaaladda guud ee dalka, isla markaana diiradda lagu saarayo arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin amniga, siyaasadda, doorashooyinka, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Shirkan ayaa la filayaa in uu kasoo baxo go’aanno muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed iyo midnimada dalka, xilli Soomaaliya ay wajahayso marxalad xasaasi ah oo u baahan wada-tashi iyo is-afgarad qaran.