Axmed madoobe oo socdaal ku tagay Afmadow

Madaxweynaha maamulka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, xilli dhawaan wadada xariirisa magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow kooxaha khawaarijta laga saaray.
Boqolaal shacab ah ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay bartamaha magaaladaan.
Madaxweynaha ayaa u tagay degmada Afmadow dardargalinta howlgalada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray maalmahii lasoo dhaafay.