Degaanka Buur-Dirimeed ee Gobolka shabeelada dhexe waxaa si habsami leh uga socda asbuucii 3aad shirka Dib uhishiinta Beelo walaalo ah oo halkaasi wadaga Oo Dagaalo ay kudhexmareen Gobolkaasi
Degaanka shirku kasocda ayaa waxaa kusugaan waxgarad iskugu jira masuuliyiin hore ee dalka ugu horeeyo madaxweynihii hore ee somaliya shiekh shariif sheikh Axmed iyo waxgarad kale oo iskugu jira ugaasyo iyo odoyaal dhaqameed
Shirkaan oo ah mid qaban qaabadiisu ay socotay in mudaaa ayaa waxaa furitaankiisa ilaahada masuul iska saaray madaxweynihii hore ee Dalka sheikh shariif oo sheegay in Uusan katagi donin halkaas ilaa xal buuxa laga gaaro Dagaal beleedyadaasi
Shirka oo socda asbuucii 3aad waxaa kahadlay odoyaal dhaqamaeed iyo culimada Kadhanka Muqdisho kasooo socdaalay kuwaasi oo Shirka qayb kanoqday iyagoona ugu baaqay labada dhinac inay nabada qataaan oo wixii Tabashaaa halkaasi lagu dhameeyo