Baarlamaanada Maamulka Galmudug Iyo Ahlusuna Oo La Isku Daray+SAWIRO

Caasimada Maamulka Galmudug Dhuusamareeb ayaa maanta waxaa lagu qabtay xaflada dhameystirka heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti kaas oo u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusuna waxaana maanta la isku daray labadii baarlamaan ee maamulada Ahlusuna iyo Galmudug kuwaas oo wada noqon doona xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug

Xaflada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Galmudug,Madaxweyne ku-xigeenk, Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Labadiisa ku-xigeen iyo Wasiiro Ka tirsan Maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo hadal aad u qiimo badan ka jeediyay xaflada ayaa sheegay in Galmudug awoodeyda ay dhameystirantay dadka dacaayada iyo been abuurka wadana ceebtoodi ay banaanka timid waxa uu sheegay in Galmudug lagu xanto qilaaf badan balse arintaas ay been tahay oo dadka reer Galmudug ay markasta jecelyihiin midnida

Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madax Xukuumada Galmudug ayaa isna sheegay in Galmudug israacday hadda waxii ka dambeeyana loo baahanyahay in la iska xoreeyo cawadga Galmudug waxa uu yiri waxaan u baahanahay hadal yar iyo howl badan

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo isna kulanka ka Hadlay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in maanta Galmudug ay ku shaqeyso Caasimada

Ugu Dambeyn Madaxweyne Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa sheegay in Galmudug guul gaartay isaga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Ah ee soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay balan qaadeen in Baarlamaanka Galmudug Xaruntiisa ay tahay Cadaado Baarlamaankana ay halkaas ku shaqeyn doonaan.

 Daawo Sawirrada Munaasabada