Baarlamaanka Dalka Itoobiya Oo Liiska Argagaxisada Ka Saaray Ururka ONLF

Kulan uu maanta ku yeeshay Magaalada Adis ababa Baarlamaanka Dalka Itoobiya ayuu ku aqbalay soo jeedinta Golaha Wasiirrada ee Ururrada laga saarayay liiska argagixisada.

Kulanka maanta ayaa waxaa liiska argagixisada looga saaray Ururrada kala ah ONLF,OLF iyo Ginbot 7,waxaana loo oggolaaday in ay noqdaan Xisbiyo mabda’ooda ku gaaray nabad iyo siyaasad.

Golaha Wasiirrada ayaa todobaadkii hore Baarlamaanka ka codsaday in Ururradaas laga saaro liiska argagixisada,islamarkaana loo aqoonsado xisbiyo siyaasadeed.

Ururka ONLF ayaa arrintaas aad u soo dhaweeyay,Xalay waxa Magaalada Nairobi gaaray Sarkaalka lagu magacaabo C/Kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka mid ah Ururka ONLF,kaas oo la siidaayay.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiye Axmed ayaa isbeddello dhinaca siyaasadda ah ka wada dalka Itoobiya,waxaana uu wax badan ka beddelay siyaasadda arrimaha dibadda iyo gudaha ee Itoobiya.