fbpx
Home Wararka Maanta Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo kulmaya

Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo kulmaya

Golaha baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta waxa ay magaalada Jigjiga ku yeelanayaan kulan caadi aheyn, sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan DDSI.

Arrimaha maanta looga hadlayo kulanka ayaa waxaa qeyb ka noqon doona magacaabidda gudoomiyaha baarlamaanka dowlad degaanka iyo ansixinta guddoomiyaha maxkamadda DDSI.

Kulankan ayaa wuxuu qeyb ka yahay kalfadhiyo mudooyinkii dambe ay yeelanayeen golaha baarlamaanka, kuwaasi oo lagu ansixinayay xilal kala duwan oo uu magacaabay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cagjar.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaanada baarlamaanka ay u diyaar garoobayaan kulanka, si waqtigii loogu tala galay uu u furmo.